Sawirro: Ra’iisul Wasaare Rooble oo kulan la qaatay dhigiisa iyo qaar ka tirsan Golaha Wasiirrada dalka Masar

16 Aug 2021 (Puntlandes) Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble iyo wafdiga ku wehelinaya booqashada uu ku joogo dalka Masar ayaa kulan laba geesood ah la qaatay Ra’iisul Wasaaraha dalkaas iyo xubno ka tirsan Golahiisa Wasiirrada.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda iyo wafdigiisa ayaa kala hadlay Ra’iisul Wasaare Mustafa Madbuuli oo ay wehelinayeen Wasiirrada Waxbarashada iyo Arrimaha Dibadda ee Xukuumadda Masar sidii kor loogu qaadi lahaa doorka ay ku leeyihiin dalkaasi waxbarashada dalkeenna iyo sidii loo kordhin lahaa deeqaha waxbarashada ay siiyaan ardayda Soomaaliyeed, fududeynta socdaalka, ganacsiga iyo maalgashiga.

Labada dhinac waxa ay iska xogwareysteen muhiimadda xiriirka walaaltinimo ee dhaxeeya labada dal, iyadoo Ra’iisul Wasaare Mustafa Madbuuli uu bogaadiyey Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo hoggaaminta Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ee arrimaha doorashooyinka dalka.

Booqashada rasmiga ah ee Ra’iisul Wasaaraha iyo wafdigiisa ay ku joogaan dalka Masar ayaa qaadanaysa muddo 3 maalmood ah, taas oo kulamo kala duwan uu la qaadanayo madaxda iyo masuuliyiinta ugu sarreysa dalkaas.

Safarka Ra’iisul Wasaaraha XFS waxaa ku wehliya Wasiirka arrimaha Dibada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdirisaaq Maxamed, Wasiirka Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare Mudane Cabdullaahi Abuukar Xaaji, iyo masuuliyiin katirsan goleyaasha Dowladda.


Puntlandes.com

About The Author