Alshabaab oo weerartay deegaanka Shabeellow ee koonfurta gobalka Mudug, khasaaraha….
17 Aug 2021 (Puntlandes) Dagaal u dhaxeeyey ciidanka daraawiishta Galmudug iyo Alshabaab ayaa galabta ka dhacay deegaanka Shabeellow ee koonfurta gobalka Mudug, waxaana ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhwaacba leh, iyadoo Alshabaab ay guulo ka sheegatay.
Khasaaraha ayaa lagu sheegay shan askari oo ka tirsanaa daraawiishta Galmudug iyo sarkaal sare ayaa ku dhintay dagaalka iyadoo ay jiraan dhaawac aan tiradiisa la aqoon, kadib markii Alshabaab ay weerar culus ku qaadeen fariisin ay ciidamadu ku laahayeen deegaanka Shabeelow.
Gaashaanle Maxamed Cali Salaad oo ah sarkaalka ku dhintay dagaalka ayaa ahaa Taliyihii ururka Horseed ee ciidanka daraawiishta Galmudug, sidoo kale gaari dagaal ayaa ciidanka Galmudug looga gubay dagaalka.
Warbaahinta taageerta kooxda Alshabaab ayaa werisay in war kasoo baxay kooxda ay ku sheegatay in ciidamada Galmudug ay dagaalkii galabta uga dileen 30-askari oo saraakiil ay kamid yihiin iyo dhaawacyada tobanaan askari oo kale, sida ay hadalka u dhigeen.
Sidoo kale warkaan laga soo xigtay Alshabaab ayaa waxay ku sheegteen inay dagaalka ku qabteen Taliyihii ciidamada badda maamulka Galmudug, isagoo nool, waxaana magaciisa ay ku sheegeen Xirsi Cali Shire.
Laba sarkaal oo la kala yiraahdo Maxamed Cali Salaad iyo Cali Diini ayey sidoo kale sheegeen inay dagaalka ku dileen, isla markaana ay furteen seddax gaari oo Senator Cabdi Qeybdiid uu lahaa, sida ay warkooda ku sheegeen.