Banaanbax looga soo horjeedo AMISOM oo Muqdisho ka dhacay
19 Aug 2021 (Puntlandes) Banaanbax looga soo horjeedo ciidamada Nabad Ilaalinta Midowga Africa ee AMISOM ayaa ka dhacay fagaaraha Daljirka Dahsoon ee magaalada Muqdisho.
Banaanbaxaan ayaa waxaa dhigay qaar ka mid ah ehelada dad shacab ah oo lagu eedeeyay in ciidmada AMISOM ay ku dileen deegaanka Golweyn ee gobolka Shabeella Hoose.
AMISOM ayaa diiday qirashada dilka dadkan shacabka ahaa, hase ahaatee waxay sheegtay inay baaritaan ku sameyneyso dhacdan, iyadoo markii hore sheegtay inay dileen xubno argagixiso ah, hase yeeshee guddoomiyaha gobolka Shabeellaha Hoose Cabdulqaadir Maxamed Nuur Siidii ayaa saxaafada u xaqiijiyay in dadka lag diley ay ahaayeen dad rayid ah.
Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni oo ka ka hadlay dilka dadka rayidka ah ayaa sheegay in askarta dilka ka dambeysay sharciga la horkeeni doono, ayna magdhow siinayaan ehelada dadkii la dilay
.