Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka oo Sabtida ka furmaya Afisyoone

19 Aug 2021 (Puntlandes) Shirka Gollaha Wadatashiga Qaran ayaa si rasmi ah hadii Allah idmo waxa uu Afisyoone ka furmayaa maalinta Sabtida ee 21ka Ogoosto iyadoo Madaxda Dowlad Goboleedyada iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ay ka soo wada gali doonaan.


Magaalada Muqdisho ayaa waxa iminka ku suggan Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada Koofur Galbeed, Hirshabelle iyo Galmudug , waxana la filayaa Madaxweynayaasha kale ee Puntland iyo Jubbaland in ay Muqdisho soo gaaraan.

Kulanka oo uu shir guddoomin doono R’iisul Wasaare Rooble ayaa waxa lagaga hadli doonaa diyaar garowga doorashooyinka Golaha Shacabka, diyaarinta habraacyada doorashooyinka , raadinta dhaqaalaha dhiman ee ku baxaya doorashooyinka ee aan weli soo xeroon iyo sidii horey loogu socon lahaa.

Puntlandes.com

About The Author