Madaxweyne oo magacaabay labo Agaasime Guud

20 Aug 2021 (Puntlandes) Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 23 ee 19ka August 2021, kuna saabsan magacaabid Agaasimayaal Guud.


Madaxweynaha Dowladda Puntland
Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80aad.
Markuu arkay: Aqoontooda, kartidoodaiyo waaya-aragnimadooda shaqo.
Markuu arkay: Baahida loo qabo horumarinta iyo dardar gelinta shaqooyinka Dowladda.
Markuu la tashaday: Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland
Wuxuu xeeriyey:

1. Waxaa Jaamac Xasan Cabdule loo magacaabay Agaasimaha Guud Wasaaradda Wasaaradda Shaqada, Shaqaalaha, Dhalinyaradda & Ciyaaraha Dowladda Puntland.
2. Waxaa Maxamed Imaan Cabdulle loo magacaabay Agaasimaha Guud Wasaaradda Amniga iyo DDR-ta Dowladda Puntland.

* Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay.

DHAMMAAD

About The Author