Hanti Dhowraha Guud ee Qaranka oo sharci daro ku tilmaamay Kireyntii Tiyaatarka

01 Sept 2021 (Puntlandes) Hanti Dhowraha Guud Qaranka ayaa sharci darro ku tilmaamay heshiis ay wasaarada warfaafinta ku kireeysay qeyb kamid ah Tiyaatarka Qaranka balse lagu joojiyay amar ka soo baxay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Warqad kasoo baxday Xafiiska Hantidhawrka Guud ayaa lagu sheegay in Wasaaradda Warfaafinta “ay si cad ugu xadgudubtay nidaamka dowliga ah iyo shuruucda dalka maadaama Wasiirka Wasaaradda uu maamulka hantida Wasaaradda u maray sifo aan sharciga waafaqsanayn.”


Puntlandes.com

About The Author