Sawirro-Muuqaal: Madaxweynaha Hirshabelle oo furay Kalfadhiga 2aad ee Baarlamaanka Hirshabelle, kana hadlay……

02 Sept 2021 (Puntlandes) Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cali Guudlawe Xuseen ayaa maanta furay kalfadhiga 2-aad ee Baarlamaanka Hirshabeelle.

Munaasabada furitaanka Kalfadhiga 2aad ee Baarlamaanka Hirshabeelle waxaa ka soo qeybgalay Xubno Golaha Wasiirada, qaar kamid ah Musharaxiinta Senarada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo Qeybaha Kala duwan ee bulshada.

Madaxweynaha oo munaasabada ka hadlayay ayaa sheegay in waqtiga ugu badan uu ku bixiyay Arrimaha Doorashooyinka si dalka ay uga dhici lahayd Doorashooyin daah furan.

Madaxweyne Guudlaawe ayaa Mudanayaasha Baarlamaanka iyo shacabka Hirshabeelle u balan qaaday in muwaadin walba oo xaq leh buuxiyana shuruudaha looga baahan yahay musharaxnimo uu kusoo dari doono liiska Musharaxiinta Aqalka sare.



Puntlandes.com

About The Author