Daawo Muuwqaal: Jadwalka doorashada oo isbeddel lagu sameeyey iyo mid cusub oo lasoo saaray

04 Sept 2021 (Puntlandes) Guddiga doorashooyinka heer federaal ee FEIT ayaa soo saaray jadwalka doorashada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka 11aad ee JFS, kaas oo lagu kala cadeeyey goorta la soo gabagabeynayo doorashada Aqalka Sare iyo goorta ay bilaabaneyso tan Golaha Shacabka.

Sida ku cad jadwalkaan soo baxay guddiga doorashooyinka heer federaalka doorashada golaha Aqalka Sare ayaa la qorsheeyey in lasoo gabagabeeyo 18-ka bishaan September.

Sidoo kale 25ka bishaan ayaa la guda gelayaa diyaarinta iyo diiwaan gelinta guddiga soo xulaya ergooyinka iyo musharaxiinta xildhibaanada golaha shacabka.

1da bisha October ayaa lagu sheegay jadwalkaan inay bilaabaneyso doorashada xildhibaanada golaha shacabka, iyadoo lasoo gabagabeyn doono 20-ka bisha November.

Ugu dambeyntiina 25ka November waxaa bilaabanaya shahaado bixinta xubinimada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka federaalka Soomaaliya.

Jadwalkaan ayaan la ogeyn sida uu u dhaqan geli doono, iyadoo ay horay u fashilmeen jadwallo ka soo baxay guddiga doorashooyinka, sidoo kalena doorashada Aqalka Sare aysan weli ka bilaaban HirShabeelle iyo xubnaha Somaliland, halka Galmudug iyo Jubaland ay xubno kale weli ku dhiman yihiin.


Puntlandes.com

About The Author