Sawirro: Mahdi Guuleed iyo Cabdi Xaashi oo ka heshiiyay khilaafkii doorasha Xildhibaanada Somaliland

05 Sept 2021 (Puntlandes) Guddoomiye Cabdi Xaashi iyo Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Mahdi Guuleed ayaa heshiis ka gaaray khilaafkii u dhaxeeyay ee ka taagnaa doorashada Xildhibaanada ka soo jeeda Gobolada Waqooyi.

Labada dhinac ayaa si buuxda ugu heshiiyay in la soo afjaro khilaafkii u dhaxeeyay, in la mideeyo guddoonka iyo xubnaha guddiga maamulka doorashooyinka heer Somaliland, in la soo afkaro is kooxeysigii iyo abaabulkii u dhaxeeyay siyaasiyiinta in sida ugu dhaqsiyaha badan loo gudagalo hirginta doorashada kuraasta labada aqal ee ka soo jeeda Somaliland.

Qodobada ay ku heshiiyeen Cabdi Xaashi Cabdullahi iyo Mahdi Guuleed:

1. In la soo afjaro khilaafkii labada dhinac u dhexeeyey ee la xidhiidhay arrimaha doorashooyinka kuraasta labada agal ee xildhibaanada ka soo jeeda Gobolada
Waqooyi (Somaliland).

2. In la mideeyo Guddoonka iyo xubnaha Guddiga Maamulka Doorashooyinka Heer Somaliland (GMDHSL), iyadoo Garabka Guddoomiye Cabdi Xaashi Cabdilaahi ay qaadanayaan Guddoomiye Kuxigeenka Guddiga iyo Madaxa Amiga iyo Logistikada.

3. In la soo afjaro iskooxaysigii iyo abaabulkii u dhexeeyey siyaasiyiinta Gobolada Waqooyi (Somaliland) loona midoobo hirgelinta doorasho hufan o aan daahitaan lahayn.
4. In sida ugu dhakhso badan loo gudogalo hirgelinta doorashooyinka kuraasta labada agal ee xildhibaanada ka so jeeda Gobolada Waqooyi (Somaliland).
Heshiiskan waxa lagu gaadhay Muqdisho 05/09/2021.


Puntlandes.com

About The Author