Sawirro: Puntland iyo Galmudug oo ku shiray koonfurta magaalada Gaalkacyo

05 Sept 2021 (Puntlandes) Hotelka Global Gurden koonfurta magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa isugu yimid Madax sare oo ka kala tirsan Dawlada Puntland iyo Galmudug., kaas oo llooga hadlay is-kaashi amni.

Kulanka waxaa kaso qaybgalay Senator Cabdi qayb-diid, Wasiirka Wassarada Arimaha Gudaha Puntland, Wasiirka Wasaarada Maaliyada Dawlada Puntland, Wasiirka Warfaafinta Dawlada Galmudug, Wasiir Xigeenka Wasaarada Amniga Dawlada Puntland, Guddoomiyeyaasha Gobalka Mudug ee labada dhan, Guddoomiyeyaasha Degmada Gaalkacyo, Saraakiisha Amniga Puntland iyo Galmudug iyo Madax ka socota Madaxtooyadda Puntland.

Munaasabadaan oo Ah casho sharaf, is xog waraysi iyo dar dargalinta dadaalka xoojinta wada shaqaynta is-kaashiga Amniga, kaas oo ay labada maamul si dhow isula shaqeeyaan.


Puntlandes.com

About The Author