Wareegtada uu soo saaray Farmaajo oo laga joojiyay in lagu faafiyo Warbaahinta Dowlada
08 Sept 2021 (Puntlandes) Wareegto uu caawa soo saaray Madaxweynaha muddo xilleedkiisu dhamaaday Maxamed Cabdulaahi Farmaajo oo uu xilal ku magacaabay ayaa laga joojiyay in lagu faafiyo warbaahinta qaranka.
Wararka ayaa waxa ay sheegayan in amar uu bixiyay Ra’iisul Wasaare Rooble loogaga mamnuucay warbaahinta qaranka in lagu daabaco wareegtadan uu khilaafku hareeyay, inkastoo markii hore la soo geliyay bogga facebook ee taleefishinka qaranka balse daqiiqado kooban kadib laga bixiyay.
Ka saarista wareegtada ayaa ka dhigeysa mid aan sharci ahayn maadaama ay waajib tahay wareegtooyinka ay soo saaraan madaxda in lagu faafiyo faafinta rasmiga ah ee dowlada.
Khilaafka ka dhashay kiiska Ikraan Tahliil ee u dhexeeya Farmaajo iyo Rooble ayaa sare u sii kacaya maalinba maalinta ka dambeysa iyadoo Farmaajo uu u muuqda daafacaya in kiiska la baaro halka Rooble uu doonayo in cadaalad ay hesho Ikraan Tahliil.