NISA oo shaacisay in xilkii Agaasimaha uu la wareegay Yaasiin Farey

08 Sept 2021 (Puntlandes) Qoraal la soo dhigay barta rasmiga ah ee Twitter-ka ee hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-suggida Qaranka ayaa lagu sheegay in xilka agaasimaha uu la wareegay Gaashaanle Sare Yaasiin Farey oo uu xalay magacaabay madaxweyne Farmaajo, iyadoo xilkaas hore u hayay Fahad Yaasiin.

“Waxaa Taliska Nabad Sugida & Sirdoonka Qaranka ka dhacday munaasibad uu xilka kula wareegay Taliyaha cusub ee Ku-meel-gaarka ah ee HSNQ, Gaashaanle Sare Yaasiin Cabdullaahi Maxamuud. Waxaan Alle uga rejaynaynaa in uu u fududeeyo masuuliyada culus ee uu Madaxweynaha JFS u igmaday” ayaa lagu yiri Twitter-ka NISA.

Tallaabadan ayaa ah mid looga hortagayo isku dayga Ra’iisul Wasaaraha ee ku aadan in xilka uu kula wareego Agaasimaha Kumeel gaarka uu magacaabay Hey’adda NISA Sarreeye Guud Baahiir Goobe

About The Author