Maxkamada Ciidamada oo qabatay dacwad lid ku ah Fahad Yaasiin
08 Sept 2021 (Puntlandes) Xafiiska Xeer Ilaalinta Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa qabtay dacwad lid ku ah Agaasimihii hore ee NISA Fahad Yaasiin, C/llaahi Kulane iyo Yaasiin Farey Taliyaha NISA ee Gobolka Banaadir, iyadoo ay dacwadda ay ka gudbisay Hooyo Qaali Maxamuud Guhaad oo ah Hooyada dhashay Ikraan Tahliil.
Qoraalka loo gudbiyay Maxkamada ayaa waxaa lagu xusay magacyada afar eedeysane oo loo heysto iney wax ka ogyihiin isa markaana shirqool ku dileen Ikraan Tahliil oo ka tirsaneyd saraakiisha Nabadsugida Qaranka taasoo la waayey labo bilood ka hor.
Magacyada lagu xusay Dacwada waxay kala yihiin:-
1-Fahad Yaasiin Xaaji Daahir
2-Yaasiin Farey
3-C/llaahi Aadan Kulane
4-Cabdiqani diirane (Wadna-qabad)
Hos ka akhriso dacwada loo gudbiyay Maxkamada Ciidamada