Farmaajo oo ka horjeestay xil ka qaadistii wasiirkii hore Amniga

08 Sept 2021 (Puntlandes) Qoraal uu saaray madaxweynaha mudo xileedkiisu dhamaaday ee Soomaaliya Maxamed cabdulaahi Farmaajo ayuu kaga horjeestay xil ka qaadistii uu  Ra’iisulwasaaraha Xukuumadda Xil-gaarsiinta Maxed XuseenRooble ku sameeyey wasiirkii hore Amniga Xasan Xundubeey iyo magacaabista wasiirka cusub.

Hoos ka akhriso qoraalka kasoo baxay Farmaao:

Xil ka qaadista wasiir xundubeey ma aha mid waafaqsan dastuurka

Muqdisho, Sebteembar 8, 2021: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sheegay in aysan dhaqan gal ahayn xil ka qaadis kasta oo lagu sameeyo xubin ka tirsan Golaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ilaa ay ku timaaddo si waafaqsan Dastuurka KMG ah ee dalka.

Madaxweynaha oo cuskanaya Qodobka 90aad, Xarafka (e) ee Dastuurka KMG ee dalka oo dhigaya “Awoodaha Madaxweynaha waxaa ka mid ah inuu xilka ka qaadayo Wasiirrada, Wasiiru-dawleyaasha, iyo Wasiir-ku-xigeennada, markuu soo jeediyo Wasiirka Koowaad.” ayaa sheegay in xil ka qaadista Wasiirka Amniga Gudaha Mudane Xasan Xundubeey aysan ku imaanin sifo sharci ah, sidaas darteedna aysan dhaqan gal ahayn.

“Xil ka qaadista iyo magacaabista xubnaha Golaha Wasiirada ma aha dhaqan gal ilaa ay ku timaaddo hannaan waafaqsan Dastuurka Kumeel Gaarka ah ee dalka.” Ayuu yiri Madaxweynaha.
Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa adkeeyay in shaqada laga doonayo haatan xukuumadda ay ahayd inay dhammeystirto doorashooyinka Goleyaasha Barlamaanka ee ka bilowday dalka, lagana sugayo sii joogtaynta hawlaha muhiimka ah ee horyaalla.

About The Author