Xildhibaan xalay lagu dilay Laascaanood
12 Sept 2021 (Puntlandes) Xildhibaan Cabdirisaaq Axmed Cilmi (Cardoofe) oo kamid ahaa Golaha deegaanka ee magaalada Laascaanood ayaa dabley hubeysan xalay ku dileen magaalada uu ka mid ahaa mas’uuliyiinteeda.
Koox hubeysan ayaa ku toogatay xildhibaanka bannaanka gurigiisa ka dibna goobta ka baxsaday. Xildhibaanka ayaa ka mid ahaa xildhibaanadii sanadkaan kusoo baxay doorashooyinka golaha degaanka ee ka dhacay Somaliland.
Qaar ka mid ah dadweynaha ku nool magaalada Laascaanood ayaa banaanbax hubeysan ka dhigey bartamaha magaalada iyagoo ka soo horjeeday waxqabad la’aanta maamulka magaalada iyo amni darrada.
Dadka banaanbaxayay ayaa waxa ay dalbadeen in cadaaladda la horkeeno dadkii ka dambeeyay dilkaas. Magaalada Laascaanood ayaa hore waxaa uga dhacay dilal lala beegsanayo mas’uuliyiinta maamulka Somaliland.