Kulankii Ka Socday Villa Somalia oo lagu kala tagay

12 Sept 2021 (Puntlandes)Kulankii ay ku yeesheen ay shalay ilaa xalay xili dambe ay lahaayeen madaxtooyada Soomaaliya Madaxweynaha muddo xilleedkiisu dhamaaday Maxamed Cabdulaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda xil-gaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa la isku af-garan waayey.

Kulanka ayaa in lagu kala tagay waxaa sabab u ah kadib markii uu Farmaajo ku adkaystay in aan la baarin Ikraan Tahliil iyo inuusan Agaasimaha NISA noqonayn Gen Bashiir Goobe oo dhawaan Rooble si KMG ah u magacaabay.

 

About The Author