Sawirro: Ra’iisal wasaare Rooble oo guddoomiyay shirka tiirka dhaqaalaha
18 Sept 2021 (Puntlandes) Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Xil-gaarsiinta ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta gudoomiyay shirka tiirka dhaqaalaha oo Xafiiska hantidhowraha guud ee Qaranku ku soo bandhigay xogta dhaqangalka mashaariicda horumarineed ee dalka.
Sidoo kale, Wasaaradda Qorsheynta, Maal-gashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha ayaa soo jeedisay nidaamka keydinta mashariicda ee AIMS.