Skirkii Amniga Qaaran ee dawladda Federaalka Soomaaliya oo Baaqday

18 Sept 2021 (Puntlandes) Waxaa maanta oo ay taariikhdu tahay 18ka sept 2021ka lagu waday inuu qabsoomo Shirkii Guddiga Amniga Qaaran ee dawladda Federaalka Soomaaliya, kaas oo uu madaxweyne Farmaajo horay u  iclaamiyey.

Lama Shaacin sababta uu u baaqday laakiin Agaasimihii hore ee NISA Fahad Yasin oo shirka warbixin ku saabsan kiiska Ikraan Tahliil ka jeegid lahaa ayaan Muqdisho ku sugnayn, isagoo shalay laga celiyey dalka Jabuuti kadib markii ay diyaaradii uu la socday ay dib ugu laabatay dalka Turkiga.

La oga iyadana xubnaha ka qaybgeli lahaa shirka maadaama uu jiro khilaaf xoogan oo u dhaxeeya Farmaajo iyo Rooble ayna dhici karto inuu sababo in xubno guddiga ka mid ah ay ka baaqsadaan shirka.

Hoos ka akhriso qoraal ay Madaxtooyaddu ku shaacisay baaqashada shirka:

Puntlandes.com

About The Author