Sawirro: Xaggee marayaa dhismaha Laamiga waddada Ceeldaahir iyo Ceerigaabo?
18 Sept 2021 (Puntlandes) Dhismaha Laamiga waddada Ceeldaahir iyo Ceerigaabo ayaa wuxuu marayaa gabogabada wajiga koowaad, waxaana iminka Laami la saaray 21km.
Hawl-wadeenada wadada dhisaya ayaa waxay shaqeeyaan habeenkii iyo maalintii waxaa la dhigaa maalin kaska Laamiga 400mitir.
Wajigii koowaad ee waddada oo ahaa 30km oo ku dhmaanayey magaalada Cawsane ayaa waxaa iminka ka haray 9km oo qura waxaana socoto diyaarinta xafladdii lagu furi lahaa wejiga koowaad.
Waddada Ceeldaahir iyo Ceerigaabo ayey Puntland ku dhisaysaa iskutashi dawlad iyo shacab, waana mashruucii u horeeyey ee noociisa ah ee iskutashi lagu dhiso, waxaana bilowday dawladdii hore ee Puntland ee uu madaxweynaha ka ahaa Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.