Sawirro-Muuqaal: Dowladda Puntland oo Heshiis la gashay Shirkadaha Albaashi, Ceeldaahir iyo Kebarco

19 Sept 2021 (Puntlandes) Dowladda Puntland ayaa Heshiis la gashay Shirkadaha Albaashi, Ceeldaahir iyo Kebarco oo ka mid ah shir kadaha ka hawl gala Deegaanada Puntland.

Munaasabadda heshiiska lagu kala saxiixday waxaa Dowladda Puntland uga qayb galay Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda, Wasiirka Wasaaradda Hawalaha Guud, Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Wasiirku xigeenka Iyo Wasiiru Dowlaha Maaliyadda, Guddoomiyaha Banggiga iyo Xisaabiyaha Guud ee Dowladda.

Heshiiska shirkadaha lala galay ayaa salka ku haya dib udayac-tirka wadooyinka:
1- Wada Midi-gar
2- Buundada Qayaadsame
3- Wadada kalabayr Bosaso
4-Iyo sideed buundo oo u dhexeeya Garoowe iyo birta dheer

Dowladda Puntland ayaa bixisay dhammaan lacagihii lagu bilaabayey dhismaha wadooyinka oo ay Dowladdu ku wareejisay shirkadaha ka hawl galaya.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Xasan Shire Cabdi ayaa sheegay in Dowladda Puntland ee uu hoggaaminayo Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ay ka go’an tahay Dib udhiska wadooyinka, shaqadaan maanta la qabtayna ay ka mid tahay balanqaadkii madaxwaynaha.

Ugu dambayntii Wasiir Xasan Shire Cabdi ayaa sheegay in sadex berri kadib Dowladdu saxiixi doonto heshiiska waddada Falayryaale iyo Garoowe oo dib udhis lagu samaynayo.



Puntlandes.com

About The Author