Sawirro: Ashabaab oo qaraxyo ku buburisay garoonkii diyaaradaha ee Buulobarde

19 Sept 2021 (Puntlandes) Wararka ka imaanaya gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya ayaa sheegaya in kooxda Alshabaab ay qaraxyo miino ku burburisay garoonka diyaaradaha degmada Buulobarde oo dhowaan uun lagu sameeyey dib u dayactir balaaran.

Garoonka oo dhimihiisa shalay lasoo gaba-gabeeyey ayaa gabi ahaanba burburay, kadib markii ay kooxda Alshabaab ku xireen qaraxyo nooca miinada ah, waxaana sidoo kale ka dhashay khasaare kale oo isugu jiro dhimash iyo dhaawac.

Qaraxyada ayaa si gaar ah waxay u burburiyeen qeybta hubinta iyo sidoo kale qeybta sugida rakaabka diyaaradaha ee garoonka degmada Buulabarde, sida ay muujinayaan sawirro laga soo qaaday garoonka, kadib marka ay dhaceen qaraxyadaasi.

Inta la xaqiijiyey waxaa qaraxyadan ku dhintay ugu yaraan hal qof, halka ay ku dhaawacmeen saddex kale, sida ay sheegayaan ilo wareedyo lagu kalsoon-yahay.

Sidoo kale waxaa garoonka la burburiyey si wadajir ah uga howl-gala ciidamada dowladda iyo kuwa Jabuuti ee AMISOM, kuwaas oo durbaba howl-gallo ka bilaabay halkaasi.

Weeraradan qaraxyada ah ee lala beegsaday garoonka diyaaradaha Buulo-burte ayaa ku soo aadayo, iyada oo shalay uun lasoo gaba-gabeeyey dhismaha garoonkaasi.



Puntlandes.com

About The Author