Mahdi Guuleed oo shaaciyay xilliga lagu dhawaaqayo xukunka dacwada Badda
20 Sept 2021 (Puntlandes) Maxkamadda Cadaaladda Adduunka ee ICJ ee fadhigeedu yahay dalka Holland ayaa lagu wadaa in ay ku dhawaaqdo xukunka dacwaddii Badda ee u dhaxeeyay dalalka Soomaaliya iyo Kenya.
Ra’isul Wasaare kuxigeenka Xukuumada Soomaaliya Mahdi Guuleed ayaa shaaciyay in 12-ka bisha soo socota ee October Maxkamada Cadaalada Aduunka ku dhawaaqeyso xukunka dacwaddii Badda ee Soomaaliya iyo Kenya.