Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland oo baxisay qoondadii kaga soo aaday dawladda Puntland masruuca JPLG

24 Sept 2021 (Puntlandes)  Qoraal ay ku faafisay barta ay Facebook ku leedahay Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland ayaa lagu sheegay in Wasiirka wasaaradda Mudane Hassan Shire Abdi uu baxshay qoondadii kaga soo aaday dawladda Puntland masruuca JPLG.

Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland aya bixisay lacagta contribution ahayd ee Dowladdaha Hoose loogu talagaley sanadka 2021 gaar ahaa 11ka Degmo ee uu ka shaqeeyo Mashruuca JPLG.
Lacagtaas oo ah 50% oo dhan $ 279,250.00 (Laba boqol iyo Todobaatan iyo Sagaal Kun laba boqol iyo konton Doolar), ayaa lagu dhisayaa Wadooyin, Iskuulo, Xarumo Caafimaad, Ceelal Biyood iyo Dhismaha Xarunta Dowladda Hoose Garowe.

Puntlandes.com

About The Author