Sawirro: Dakada kaluumeysiga Hobyo.oo xariga laga jaray

25 Sept 2021 (Puntlandes) Ku simaha madaxweynaha ahna madaxweyne ku xigeenka Dowlada Galmudug mudane Cali Daahir Ciid ayaa xariga ka jaray dakada kaluumeysiga hobyo.
Dhismaha dakadaan oo aay iska kaa shadeen Maamulka Galmudug iyo Dowlada Taliyaaniga ayaa saacidi doonta Kaluumeysatada Galmudug.

Xarig jarka waxaa ka qeyb galay wasiirka Dakadaha iyo kaluumeysiga Galmudug , Wasiiro, Xildhibaano, DFS iyo labada gole ee dowlada Galmudug, maamulka Magaalada hobyo, iyo musuulin ka socda Dowlada Taliyaaniga iyo Hay,ada WFP.

Dowlada Galmudug ee u hogaamiyo Madaxweyne Ahmed Abdi Kaariya ayaa sido kale wada Qorshe lagu dhisayo Dakada Weyn ee Hobyo iyo garoomo Diyaaradeed oo dhowr ah kuwaas oo uu ugu horeeyo Dhusamareeb International Airport oo dhawan la bilaabi doono.

About The Author