Golaha Midowga Murashaxiinta oo taageeray Rooble dalbadayna in la dedejiyo doorashooyinka

26 Sept 2021 (Puntlandes) Golaha Midowga Murashaxiinta ayaa War saxaafadeed uu sooray wuxuu ku dalbaday in la dedejiyo doorashooyinka, oo ay gabogabo marayaan doorashada Aqalka Sare laakiin aysan bilaaban tan golaha Shacabka.

Sidoo kale waxay Midowga Murashaxiintu caddeeyeen inay doorashada ku garab taagan yihiin Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Xil-gaarsiinta Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, iyagoo ugu baaqay Rooble in uusan gorgortan ka gelin heshiiskii 27 Maajo ee loogu igmaday gacan ku haynta amniga iyo daadihinta doorashooyinka dalka.

Midowga Musharaxiinta ayaa waxay War saxaafadedkooda ku sheegeen inay indhaha ku hayaan dhaq dhaqaaq ciidan iyo shirqool ay maleegayaan Madaxweynaha xilkiisa dhammaaday iyo Taliyihii hore ee NISA, si ay u carqaladeynayaan howlaha Doorashada una abuuraan xasillooni darri iyo qalqal amni, iyagoo sheegay in Farmaajo uu qaadayo wixii mas’uuliyad iyo cawaaqib xumada ka dhalata falkaas guracan


Puntlandes.com

About The Author