Hay’adda wadooyinka Puntland oo eedayn culus u jeedisay qaar kamid ah wasaaradaha dowladda

27 Sept 2021 (Puntlandes) Guddoomiyaha hay’adda waddooyinka Puntland ee PHA, Cabdulqaadir Cali Xirsi ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay in dhammaan dhaqaalihii hay’addaas ay si sharci-darro ah u ula wareegtay wasaaradda Maaliyadda Puntland.

Sidoo kale, wuxu wasaaradaha hawlaha guud, Qorshaynta iyo Maaliyadda in ay la wareegeen shaqadii ay u xil-saarnayd hay’adda waddooyinka PHA.

Guddoomiyaha ayaa sidoo kale wasaaradda Maaliyadda Puntland ku eedeeyay in ay joojisay dhammaan adeegyadii hay’addu ku dabooli jirtay Shidaakka, Korontada iyo biyaha islamarkaana hay’adda laga jartay korontadii.

 

Hoos ka akhriso qoraalka


Puntlandes.com

About The Author