Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo taageero garab istaag u ah u muujiyay Suudaan
27 Sept 2021 (Puntlandes) Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud, ayaa maanta oo Isniin ah khadka teleefoonka kula xiriiray dhiggiisa Suudaan, Marwo Dr. Maryam Al-Sadiq Al-Mahdi, oo ay ka wadahadleen xiriirka labo geesoodka ee labada dal ee walaalaha ah iyo siyaabihii lagu xoojin lahaa , laguna qoto dheereyn lahaa.
Maxamed Cabdirisaaq ayaa intii wadahadalka teleefoonku socday waxa uu carrabka ku dhuftay xiriirka taariikhiga ah ee dhow iyo wax wadaagga ka dhexeeya labada dal, isagoo dhaleeceeyay isku-daygii afgambigii dhicisoobay ee dhacay aroornimadiiTalaadadii (21-kii September) ee lala beegsaday hay’adaha dawliga ah ee sharciga ah ee Suudaan, wuxuuna ku dhawaaqay inay Soomaaliya si dhammaysriran u garab taagan tahay Suudaan dhammaan tallaabooyinka ay u qaadayso si ay uga hortagto wax weliba oo halis ku ah amnigeeda iyo xasiloonideeda.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa tilmaamay muhiimadda ay leedahay in Suudaan ay ku dhiirrigeliso waddamada xubnaha ka ah Ururka Jaamacadda Carabta in ay fuliyaan ballan -qaadyadii ay sameeyeen kulankii ugu dambeeyay ee heer wasiir si ay taageero dhaqaale uga deeqaan doorashooyinka Soomaaliya si ay u dhammaystirmaan howlaha.
Puntlandes.com