Sawirro-Muuqaal: Rooble oo ka hadlay Kiiska Ikraan, Khilaafka, doorashada iyo fariisinta Aqalka Sare ee cusub

28 Sept 2021 (Puntlandes) Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo hadal u jeediyey murashaxiinta iyo Ergada Aqalka Sare ee Somaliland ayaa tilmaamay sida ay uga go’an tahay dhammeystirka qabsoomidda doorashooyinka dalka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa kula dardaarmay Ergada wax dooranaysa in sababaha lagu kala dooranayo murashaxiinta ay noqdaan kuwo ku saleysan aqoonta, daacadnimada iyo waddaniyadda.

Ra’iisul WasaareRooble ayaa sheegay in uu ku faraxsan yahay in maanta la guda galayo doorashada xubnaha Aqalka sare ku matalaya Gobolada Waqooyi, waxa uuna ugu baaqay ergada wax dooraneysa in cadaalada ka shaqeeyaan ayna waxtar ku doortaan xubnaha matalaya.

Dhanka kale Rooble ayaa ugu baaqay Dowlad Goboleedyada Jubaland, Hirshabeelle iyo Galmudug inay si deg deg ah usoo dhamaystiraan xubnaha Aqalka Sare ee ku dhiman, isagoo sheegay inuu fariisin doono dhwaan Aqalka Sare oo ay dooeran doonaan gudoonkooda ay nonqon doonaan Hay`ad la xisaabtanta.

Sidoo kale Rooble ayaa ugu baaqay Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada inay bilaabaan doorashada Golaha Shacabka, iyadoo inta badan Madaxda Dowlad Goboleedyada ku sugan yihiin xarumaha deegaanadooda, inta aan ka aheyn Madaxweynaha Galmudug Axmed Qoorqoor oo Muqdisho ku sugan.

 


Puntlandes.com

About The Author