Sawirro: Safiiradda cusub ee Soomaaliya ee Tanzania oo warqadaheeda aqoonsiga danjirannimo ku wareejisay Madaxweyne Samia Suluhu

28 Sept 2021 (Puntlandes) Marwo Danjire Sahra Cali Xasan, ayaa maanta oo Isniin ah, warqadaheeda aqoonsiga danjirannimo ee Jamhuuriyadda Midowday ee Tanzania ku wareejisay Madaxweynaha dalkaasi , (Marwo) Samia Suluhu Hassan, kadib munaasabad lagu qabtay Aqalka Madaxtooyada oo ku yaalla Caasimadda Dodoma.

Intii lagu gudo jiray munaasabadda waqad gudbinta, waxa ay Danjire Sahra Xasan la wadaagtay Madaxweynaha Tanzania fariin salaan ah oo ay ka siday Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed “Farmaajo”, iyadoo carabka ku adkaysay sida ay uga go’an tahay inay hore u sii wado xoojinta xiriirka iyo iskaashiga laba geesoodka ah ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Tanzania si horumar iyo barwaaqo u gaaraan labada dal iyo labada dad ee saaxiibada ah.

Dhankeeda, Madaxweynaha Tanzania, Samia Suluhu, waxa ay soo dhoweysay Safiiradda cusub ee Soomaaliya, iyadoo u rajaysay in ay ku guuleysato howlaha loo igmaday si ay u xoojiso xiriirka taariikhiga ah ee qotada dheer.


Puntlandes.com

About The Author