Xukuumadda Puntland ”Amniga Puntland waa sugan yahay”
Golaha Wasiirada Dawlada Puntland ayaa maanta yeeshay kulan aan caadi ahayn oo looga hadlayay amniga,waxaana kulanka shir Guddoominayay Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Cabdixakiim Cabdullaahi Xaaji Cumar Camay.
Xukuumadda Puntland ayaa cadaysay in amniga Gobolada Puntland uu sugan yahay,waxayna shacabka Puntland,Beesha Caalamka,Hay’adaha Qaramada Midoobay iyo dhamaan saaxiibada Puntland u cadaynayaan in Dawlada Puntland ay si buuxda amniga gacanta ugu hayso.
Hoos Ka Akhriso Warsaxaafadeed kaso baxay Golaha Xukuumadda,Daawona Sawirada
Puntlandes.com