Sheekh Maxamed Shaakir oo eedeeyay maamulka Galmudug

02 Okt  2021 (Puntlandes) Hoggaamiyihii ururka Ahlu Sunna Wal Jamaaca Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa ku eedeeyay maamulka Galmudug meeshii uu la dagaalami lahaa Alshabaab ay soo weerareen ururkiisa Alhu Sunna.

Wareysi uu siiyay Laanta afka soomaaliga ah ee BBC ayuu Sheekh Shaakir oo hore uga mid ahaa maamulka Galmudug waxa uu ku sheegay in ujeedkooda ugu weyn ee ay u joogaan gobolka Galgaduud uu yahay la dagaallanka Alshabaab iyo in la hagaajiyo wixii ka khaldan.

Dagaal u dhexeeyay Ciidamada dowladda Federaalka, kuwa Galmudug oo dhan ah iyo Ciidanka Ahlu sunna ayaa Khamiistii ka dhacay degaanka Bohol ee duleedka magaalada Dhuusamareeb, waxaana dagaalkaas ku geeriyooday in ka badan 10 qof.

Ciidanka Ahlu sunna ayaa duhurnimadii shalay dagaal la’aan kula wareegay magaalada Guriceel, kadib markii halkaas ay isaga baxeen Ciidanka dowladda iyo kuwii Galmudug ee joogay, iyadoona Ahlu sunna mamnuucday in Garoonka Guriceel kasoo degto diyaarad sida hub iyo Ciidan.

Dhanka kale waxaa shalay iyo maanta ka degeyay garoonka diyaaradaha magaalada Dhuusamareeb diyaarado sida ciidamo iyadoo laga cabsi qabo in weerar ay ku qaadan ciidamadan magaalada Guriceel iyo deegaanada kale ee ay Ahlu Sunna maamulaan.

About The Author