Somaliland oo Laascaano ku Xirxirtay dad u dhashay Koonfurta Soomaaliya
02 Okt 2021 (Puntlandes) Garoonka Kubadda cagta ee magaalada Laascaano ee xarunta gobolka Sool ayaa waxaa lagu daad-gureeyey dad shacabka ah oo u badan ganacsato ka soo jeeda koonfurta Soomaaliya.
Dadkaas oo xalay la soo xirxiray ayaa wararka sheegayaan in laga yaabo in laga masaafurin doono halkaas. Mas’uuliyiinta amniga Somaliland ayaa sheegey in ay arrintaan uga goleeyihiin wax ka qabashada dilal ku soo laalaabtay magaalada.
Dhinaca kale Ciidamada booliska gobolka Sool ayaa xiray wariye Mowliid Ismaaciil Digeed oo kamid ah wariyeyaasha gobolka Sool. Wariye mowliid ayaa sheegay in ciidanku ay ka qaadeen agabkii uu watay xili uu ku sugnaa garoonka Laascaanood sidaasna lagu xiray.
Puntlandes.com