Madaxweyne Deni oo guddi u magacaabay kasoo talabixinta amniga caasimadda iyo magaalooyinka Puntland

Garoowe: 02 October 2021: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta guddi u magacaabay dardargelinta iyo kasoo talabixinta Amniga magaalooyinka Puntland gaar ahaan kan Caasimadda


Magacyada Guddiga:
1. Gen. Bashiir Cabdi Maxamed (Guddoomiye)
2. Maxamed Cabdiraxmaan Maxamed Faroole (Xubin)
3. Cabdirisaaq Ciise Xuseen (Xubin)

Madaxweynaha ayaa faray dhammaan laamaha Amniga iyo Hay’adda kala duwan ee Dowladda in ay guddiga kala shaqeeyaan howsha loo xil saaray, una fududeeyaan sidii ay u gudan lahaayeen waajibaadkooda.
Guddiga ayaa sameyn doona qiimeyn iyo kasoo talabixin hannaanka amniga lagu sugo, sidii loo joojin lahaa mukhaadaraadka iyo loona sii horumarin lahaa qosheyaasha amni ee dowliga ah.

DHAMMAAD

About The Author