Sawirro: Maamulka gobolka Mudug iyo kan magaalada Gaalkacyo oo deegaanka Dus-mada ku soo dhaweeyay dadkii laga soo saaray Laascaanood

03 Okt 2021 (Puntlandes) Gudoomiye ku xigeenka gobalka Mudug Maxamed Waloore iyo duqa degmada Gaalkacyo Maxamuud Cabdinuur ayaa deegaanka Dus-mada ee duleedka magaalada Gaalkacyo ku soo dhaweeyay dadkii laga soo saaray Laascaanood.

Maamulka Somaliland ayaa habeen hore dadka u dhashay Koonfur Galbeed ee deganaa kuna ganacsan jiray magaalada Laascaanood guryahoodii ka soo raafay, iyadoo aan waxba ka soo qaadan hantidoodii, dadka qaarkiisna ay ka maqan yihiin caruurtoodii.

Maamulka Somaliland ayaa dadkaan ku eedeeyey inay dilalka magaalada ka dhaca ay iyagu ka dambeeyaan, sidaasn ay isaga saarayaan taas oo aan loo hayn wax caddayn ah.


Puntlandes.com

About The Author