Muuqaal: Ra’iisul Wasaare Rooble oo ugu baaqay shacabka laascaanood inay ka dhiidhiyaan falka muwaadiniin soomaaliyeed looga saaray dhulkooda

03 Okt 2021 (Puntlandes) Ra’iisul wasaaraha Xuluumadda Xil-gaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa war woraal ah kasoo saaray dadkii soomaaliyeed ee laga tarxiilay magaalada Laasncaanood.

Rooble ayaa ugu baaqay shacabka laascaanood inay ka dhiidhiyaan falka muwaadiniin soomaaliyeed looga saaray dhulkooda, isagoo ku sheegay talaabo Ceeb ku ah.

Hoos ka akhriso qoraalka RW Rooble:

Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa nasiib darro ku tilmaamay tallaabadii dad Soomaaliyeed si qasab ah looga soo masaafuriyay degmada Laascaanood, falkaas oo uu ku tilmaamay mid aad looga xumaado.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa bulshada Laascaanood ugu baaqay in ay ka dhiidhiyaan falkaas miwaadiniin Soomaaliyeed looga saaray dhul Soomaaliyeed tallaabadaas oo uu ku tilmaamay mid ceeb ah.


Puntlandes.com

About The Author