Sawirro: Farmaajo oo gaaray magaalada Addis Ababa

04 Okt 2021 (Puntlandes) Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaaday ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Addis Ababa oo ay uga qeyb geli doonaan munaasabadda caleemasaarka dhismaha Xukuumadda cusub ee Jamhuuriyadda Federaalka Itoobiya.

Madaxweynaha ayaa ka mid ah Madaxda dalalka Afrika iyo Caalamka ee lagu maamuusay ka qeyb galka munaasabaddan, iyada oo la adkeynayo xiriirka miro-dhalka ah ee ku dhisan is ixtiraamka Qarannimo iyo daris wanaagga ee ka dhexeeya Labada dal.

Madaxweynaha iyo diblumaasiyiinta Soomaaliyeed ee ku wehelisa safarkan ayaa kulan doceedyo la qaadan doona wufuudda dhiggooda ah ee ka socda dalalka ka qeyb galaya munaasabaddan, si loo xoojiyo xiriirka kobcaya ee dalkeennu uu la leeyahay caalamka.

Safarka waxaa Madaxweynaha ku weheliya Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta Mudane Jamaal Maxamed Xasan, Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Mudane Xasan Xuseen Xaaji iyo Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada JFS Mudane Cabdi Nuur Maxamed Axmed.


Puntlandes.com

About The Author