Sawirro: Axmed Karaash oo xubno ka mid ah Golaha Wasiirada ka dhegaystay warbixin ku saabsan dadkii lagasoo barakiciyey Laascaanood

04 Okt 2021 (Puntlandes) Ku-simaha Madaxweynaha Dowladda Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa maanta kulan la qaatay xubno ka mid ah Golaha Wasiirada, wuxuuna Madaxweyne Ku-xigeenku ka dhegaystay warbixin ku saabsan dadkii lagasoo barakiciyey magaalada Laascaanood.

Kulanka waxaa kasoo baxay in xubno ka mid ah Golaha Wasiirada ee ku shaqo leh arrimahan, kuwaasi oo kala ah Wasiirada Arrimaha Gudaha, Amniga, Caafimaadka, Qorsheynta iyo Haweenka ay u kuurgalaan xaaladda dadkaasi booqdaan goobaha lagu soo dhoweeyay.

Dowladda Puntland ayaa soo dhoweysay ku dhowaad 2000 oo qof, oo ay ku jiraan caruur iyo Haween kuwaasi oo lagasoo barakiceyey Laascaanood. Madaxweyne Ku-Xigeenka Dowladda Puntland ayaa faray Wasiirada ku shaqo iyo hay’addaha kale ee dowladda in dadkaasi si dhow looga warhayo xaaladooda, loo gargaaro , ku gudbayana loo fududeeyo safarkooda.

Kulanka waxaa Madaxweyne Ku-xigeenka kala qeybgalay Agaasimaha Guud Madaxtooyada Dowladda Puntland, Mudane Maxamed Cabdirashiid Cali.


Puntlandes.com

About The Author