Sawirro: Buundada Qayaad-same oo horey u go’day dib u dhisna lagumaeeyey oo dib loo furay

04 Okt 2021 (Puntlandes) Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Xasan Shire Cabdi, Wasiirka Hawlaha guud Mudane Axmed Cirro, Ku-simaha Guddoomiyaha Hay’adda Wadooyinka Puntland ee PHA ahna Guddoomiye ku xigeenka, Maamulka Gobolka Kar-kaar iyo kan Degmada Waaciye ayaa ka qayb galay daah-furka Buunddada.

Buunddada qayaadsame ayaa mudooyinkii ugu dambaysay waxaa ka socday hawlo shaqo gaadiidkana loo sameeyay wadooyin ay si ku meel gaar ah u adeeg sadaan. Dowladda Puntland ayaa bixisey dhaqaalaha ku baxay dhismaha Buundada waxaana fuliyey Shirkadda Wadaniga ah ee AL Baashi oo ka hawlgasha Puntland.

Dhinaca kale Daah-furka kadib Waftiga ayaa dhagax-dhigay Buundada Qayaadsame 2 oo uu Bur-bur soo gaaray.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane, Xasan Shire Cabdi, ayaa sheegay in Dowladda Puntland uu hogaamiyo Madaxweyne Siciid Abdullaahi Deni ay ka go’an tahay dib u dhiska dalka iyo kobcinta Kaabayaasha dhaqaalaha.


Puntlandes.com

About The Author