Cali Shacbaan Ibraahin iyo Zamzam Cabdullahi Axmed oo loo doortay Senato Aqalka Sare

04 Okt 2021 (Puntlandes)  Cali Shacbaan Ibraahim ayaa loo doortay Senator ka tirsan Aqalka Sare kadib markii uu ka guuleystey wareegii labaad musharaxii la tartamayay Cabdulqadir Xanafi.
Senator Cali Shacban Ibraahim ayaa helay 62 cod halka musharaxii la tartamayay ee Cabdulqaadir Xanafi uu ka helay 24 cod.

Kursiga uu ku guuleystey maanta Cali Shacbaan Ibraahim ayaa sababay inuu buuq ka dhasho kadib markii qaar ka mid ah xildhibaanada Hirshabele ay ka biyo diideen sida ay u socotay doorashada oo la qabtay ayna jeexjeexeen warqadihii ku qornaa natiijada wareegga koowaad.

Wadahadalo dhowrkii toddobaad ee la soo dhaafay ka socday magaalada Jowhar ayaa ugu dambeyntii lagu guuleystay in la xaliyo khilaafkii ka dhashay doorashadii hore ee dhacday bartamihii bishii la soo dhaafay.

Kursiga 8aad ayaa Zamzam Cabdullahi loo doortay Senator ka tirsan Aqalka Sare kadib markii ay ka guuleysatey musharaxii la tartamaysay Naciimo Ibraahim oo hore ugu fadhiday kursigaan.
Senator Zamzam Cabdullahi ayaa heshay codad gaaraya 77, halka musharaxii la tartamaysay Naciimo Ibraahim ay ka heshay 8 cod.

Kursiga ay ku guuleysatey maanta Zamzam Cabdulaahi ayaa waxaa hore ugu soo istaagay inay la tartamayaan labo musharax oo rag ah kuwaasoo cadaadis xoogan kadib ay isaga tanaasuleen tartanka kursigan.

Puntlandes.com

About The Author