Sawirro: Wasiir Ku xigeenka Maaliyadda Dowladda Puntland oo Safaro Shaqo ku booqday Degmooyinka, Galdogob, Buursalax, Xarfo iyo degmooyin kale
05 Okt 2021 (Puntlandes) Wasiir Ku xigeenka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Cabdi Ibraahim Warsame” Qawdhan” iyo wafti uu hoggaaminaayo ayaa Safaro Shaqo ku booqday Degmooyinka, Galdogob, Buursalax, Xarfo iyo degmoiyin kale.
Wasiirka ayaa kulan la qaatay mas’uuliyiinta Degmoyinkas Ee amniga iyo Saraakisha Goobaha Dakhliga Ee Wasaarada Maaliyada Dowlada Puntland.
Wasiirka waxaa ku weheliyay Safarkan Xisaabiyaha Wasaarada Maaliyadda Gobolka Mudug, Agaasime Kuxigeenka Canshuuraha Berriga ,Maamulaha Canshuuraha Berriga iyo Masuuliyin Kale .
Mudadii uu Kormarkas shaqo socday waxaa looga hadlay arrimo ay kamid yihiin xoojinta, uruurinta dakhliga iyo ka hortagga badeecadaha kusoo gala sifo sharci daradda ah, xoojinta wada shaqaynta Goobaha Dakhliga ee degmoyinka iyo degaanada hoostaga ee ay ku yalan Xarumaha Wasaarada Maaliyadu.
Kormeerkan shaqo ayaa kusoo idlaaday guul iyadoo wax badan laga ogaaday dhammaan xaaladda Degaanadas isla markaasna laga soo saaray awaamiir kor loogu qaadayo dardar-galinta dakhliga guud ahaan Gobolka Mudug.