Sawirro: Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland oo kormeeray Kastamka Furdada Dekadda Bosaso
05 Okt 2021 (Puntlandes) Kastamka Furdada Dekadda Boosaaso waxaa kormeer shaqo ku tagey Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Xasan Shire Cabdi.
Maamulaha Furdada Boosaaso Maxamed Yuusuf ayaa Wasiirka ku soo dhoweeyay Kastamka Dekeda, waxana uu booqaday Goobaha shaqadu ka socoto, isla’markaana kormeer ku sameeyey qaybaha kala duwan ee Dekadda.
Wasiirka ayaa kulan gaara la qaatay Maamulaha Furdada iyo mas’uuliyiinta kale ee Wasaaradda Maaliyadda ayda oo kulan kaasi looga wada hadlay shaqooyinka socda iyo Horumarka laga gaaray
Xasan Shire Cabdi Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda ayaa Madaxda iyo shaqaalaha Kastamada Furddada kula dar-daarmay in ay xoojiyaan dadaalkooda ku aadan kor uqaadidda dakhaliga.