Sawirro: Dowladda Puntand oo kuwa wareejisay Dowlada Galmudug 635 qof oo kamida dadkii laga soo barakiciyey Magaalada Laascaanood
05 Okt 2021 (Puntlandes) Dowladda Puntand ayaa kuwa wareejisay Dowlada Galmudug 635 qof oo kamida dadkii laga soo barakiciyey Magaalada Laascaanood kuwaas oo ay Dowladda Puntland usamaysay dibu dajin iyo Soodhawayn, Galmudug ayaa ku wareejin doonta Dowlada Hirshabeela halkaas oo ay uga sii gudbi doonaan Dowlada Koonfurgalbeed.
Munaasibadan ayaa waxaa goob joog ahaa Gudoomiye ku Xigeenka Gobolka Mudug, Gudoomiyaha Degmada Gaalkacyo Puntland, Wasiirada Arimaha Gudaha Puntland, Caafimaadka Puntland iyo Haweenka Puntland, Agaasimaha Warfaafinta Maamulka Gobolka Mudug Puntland, Gudoomiyaha Degmada Gaalkacyo Galmudug ku xigeenkiisa, Taliyaha Qaybta Booliska Galmudug, nabadoono iyo masuuliyiin kale.
Isimada iyo Nabadoonada Koonfur-galbeed oo goob joog ahaa ayaa Dowladda Puntland uga mahadcelisay say usoodhawaysay Maatada iyo shacabkii laga soo barakiciyey Magalaada Laascaanood walina ay ku dhawaad 2,000 kun oo qofod dibudajin usamaysay.