Sawirro: Degmada Bursaalax, wadadii labaad oo Laami la saarayo
06 Okt 2021 (Puntlandes) Degmada Bursaalax ee gobolka Mudug ayaa waxaa dhismaheeda dib loo bilaabayaa wadadii labaad oo Laami ah, taas oo isku xiraysa Mashruuca Horumarinta Degmada Bursaalax iyo wadada laamiga ah ee wadnaha magaalada.
Dhisamahaan oo ay fulinayso Shirkada Dhismaha Wadooyinka ee Kebarco ayaa waxaa iska kaashanaya dawladda Puntland iyo shacabka degmada Bursaalax dibad iyo gudaha.
Maanta oo ay taariikhdu tahay 6da okt 2021ka ayaa waxaa magalada Gaalkacyo heeshiis ku kalla saxiixanay Shirkada Kebarco iyo gudoomiyaha degmada Bursaalax mudane Maxamed Saleebaan, kaas oo ay shirkadu ku bilaabayso shaqadii u dambaysay ee ay ka qabato Laamiga Bursaalax oo ah 2km.
Kebarco oo horay shaqadii intii badnayd u qabatay ayaa iminka saaraysa Daamurka, waxaa Goobta heshiiska oo Goob joog ka ahaa qaybe ka mid ah waxgaradka Degmada Bursaalax.