Sawirro: Wasiirka Maaliyadda Puntland oo kormeer shaqo ku tagay Bangiga Dowladda laanta Xisaabaadka Wasaaradda Maaliyadda Gobolka Bari

07 Okt 2021 (Puntlandes) Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Xasan Shire Cabdi oo hawlo shaqo u jooga Magaalada Boosaaso ayaa kormeer shaqo ku tagay Bangiga Dowladda Puntland laanta Xisaabaadka Wasaaradda Maaliyadda Gobolka Bari.

Guddoomiyaha Guud ee Bangiga Dowladda Cabdisalaan Warsame Seeraar ayaa wasiirka halkaasi ku soo dhaweeyey waxana uu booqaday Xafiisyada Maamulaha Bangiga, Xisaabiyaha Wasaaradda Maaliyadda Gobolka Bari iyo Xafiisayada kale ee xisaabdka Maaliyaddu ay Bangiga ku leeyihiin.

Maamulka Banggiga ayaa Wasiirka xog-dheeri ka siiyey shaqooyinka socda iyo sida ay dakhliga u soo xeroodo.

Intii uu Wasiirku kormeerkan ku jiray sidoo kale waxaa uu kulan la qaatay Xisaabiyaha Wasaaradda Maaliyadda ee Gobolka Bari Maxamed Maxamuud Axmed waxaana uu warbixin ka siiyey habsami u socodka shaqada Xisabaadka Gobolka.

Wasiirka ayaa bogaadiyey shaqooyinka ay hayaan Madaxda iyo shaqaalaha Banggiga iyo Xisaabaadka Gobolka Barri.


Puntlandes.com

About The Author