Rooble oo ka soo ambabaxay magaalada Dooxa

07 Okt 2021 (Puntlandes) Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Xil-gaarsiinta Soomaaliya mudane Maxamed Xuseen Rooble iyo wafdigii uu hogaaminayay ayaa ka soo ambabaxay magaalada Dooxa ee dalka Qatar.

Ra’iisul Wasaaruhu ayaa ku tagay Dooxa booqasho rasmi kadib casuumaad uu ka helay Amiirka dalka Qadar. Socdaalka Ra’iisul Wasaaraha oo guul ku soo idlaaday ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Dooxa ku soo sagootiyay Wasiirka Isgaarsiinta iyo Gaadiidka dalka Qadar, Safiirka Qadar u fadhiya Soomaaliya iyo Safiirkeenna Soomaaliya ee inoo fadhiya Qadar.

Wasiirka Arimaha Dibadda Soomaaliya Mudane Maxamed C/risaaq ayaa saxaafadda uga warami doono howlihii u qabsoomay Wafdiga Ra’iisul Wasaare Rooble intii uu Qadar joogay marka ay Muqdisho soo gaaraan.

About The Author