Ganaax laxiriira jabin nidaamka ololaha ururada Siyaasadda oo lagu soo rogay ururka KAAH

16 Okt 2021 (Puntlandes) Guddiga KMG ee doorashooyinka Puntland TPEC ayaa qoraal uu soo saaray wuxuu ganaax lacag iyo inaysan goob ka qaban karin ololaha doorashada sadexda degmo ee Qardho, Eyl iyo Ufeyn maalintooda ku soo rogay urur KAAH ee uu gudoomiayaha ka yahay madaxweyne Deni.

Hoos ka akhriso qoraalka Guddiga KMG ee doorashooyinka Puntland TPEC:

Sida ay muujinayaan caddaymaha lifaaqaha hoose iyo qoraal uu nala wadaagay Guddoomiyaha TPEC degmada Eyl, waxaa cad in masuuliyiin ka tirsan Urur Siyaasadeedka KAAH ay isusoobax ku qabteen tuulada Xasbahale ee degmada Eyl maalintii Khamiista 14/10/2021 taas oo aan ahayn maalintii ururku lahaa ololihiisa. Tani waxay xadgudub ku tahay xeerka doorashada qodobada 22, 23 iyo jadwalka Guddigu udajiyay ololaha Ururada.

Fadhi uu Guddigu iskugu yimid maanta oo Sabti ah 16ka Oktoobar 2021 wuxuu ku go’aamiyay ganaaxyada hoos ka muuqda.


Puntlandes.com

About The Author