Daawo Muuqaal: Muuse Biixi oo ka hadlay dadka laga barakicyey Laascaanood, eedeeyeyna

17 Okt 2021 (Puntlandes) Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi ayaa markii ugu horreysay ka hadlay dadkii Soomaaliyeed ee uu maamulkiisu ka baraokiciyey magaalada Laascaanood, kuwaas  kasoo jeeday Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Muuse Biixi oo qiil u dayaya falkii foosha xumaa ee uu maamulkiisu ku kacay ayaa eedayn aan loo meeldayin ku eedeeyey Puntland, Muqdisho iyo Koonfur Galbeed.

Waxyaalaha aan xaqiiqda ahayn ee uu Muuse Biixi Puntland ku eedeeyey waxaa ka mid ahaa inay magaalada Gaalkacyo dhawaan ku toogteen 17 wiil oo ay ku eedeeyeen inay Alshabaab yihiin, taas oo ah been abuur dadkaas la toogtay waxay kasoo jeedeen gobolka Mudug khaasatan magaalada Gaalkacyo.

Muuse ayaa hadalkaab aan jirin yiri mar uu qiil u dayanayey falkiisii “Puntland oo aad durbaan u tuntay, iyadu maalin qura ayey 17 wiil oo labaatan gaarin intay soo qabteen yiraahdeen dil baa ku xukunay oo iyaga wax dilayey.”

Muuse Biixi sidoo kale ayaa  eedeyay dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dawlad Goboleedka Koonfur Galbeed.

Muuse Biixi ayaa yiri “Xamar ka hadli maayo oo af aan kaga hadlo iima banaano, meel dhiiga bini-aadamka laga baayac-mushtarayo, kuwa ugu dulmiga badan ee lagu laayo waa dadka kasoo jeeda Koonfur Galbeed.”

Hoos ka daawo Muuse Biixi


Puntlandes.com

About The Author