Sawirro-Muuqaal: Gudoomiyaha Gobolka Mudug oo Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka ku wareejiyey agab ay ku deeqay Jaaliyada Gobolka Mudug ee Dalka Kenya

20 Okt 2021 (Puntlandes) Gudoomiyaha Gobolka Mudug ahna Gudoomiyaha Gudiga Amniga Gobolka Mudane Cabdiladiif Muuse Nuur ayaa Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Mudug Muumin Cabdi Shire ku wareejiyey agab fududaynaya isgaarsiinta iyo xiriirka toos-ka ah ee Saldhigyada iyo Laamaha Amniga Magaalada Gaalkacyo iyo guud ahaan Gobolka.

Agabkaan ayaa waxaa ku deeqadaay Jaaliyada Gobolka Mudug ee Dalka Kenya gaar ahaan Ganacsatada Magaalada Nairobi. Gudoomiyaha Gobolka Mudug Mudane Cabdiladiif Muuse Nuur ayaa uga mahadceliyey Jaaliyada Gobolka Mudug ee Dalka keenya iyo Dhamaan jaaliyadaha Gobolka ka soo jeeda sida ay qaybta uga qaadanayaan Amniga iyo Horumarka Gobolka Mudug.



Puntlandes.com

About The Author