Madaxweyne Axmed Madoobe oo qaabilay xubnaha Cusub ee loo doortay Aqalka Sare

21 Okt 2021 (Puntlandes) Madaxweynaha Dowlada Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa aqalka martida ku qaabilay xubnaha Cusub ee loo doortay Aqalka Sare een Baarlamaanka JFS kuwaas oo ah xubnahii ugu danbeeyay ee laga sugayay Dowlada Jubaland.


1. Xasan Daahir Yarow
2. Ibraahim Aw-gaab
3. Laylo Nuur Maax
4. Maryan Faarax Kaahiye

Madaxweynaha ayaa xubnahan ku booriyay inay si Wanaagsan oo danta dalka iyo dadka ku jirto ay u gutaan waajibaadka maanta loo doortay isla markana sida ugu wanaagsan ay u matalaan.

Doorashada Xildhibaanada Aqalka Sare ayaa iminka gabogabo ku dhw, iyadoo la doortay 52 mudane halka ay dhiman yihiin oo kaliya labo xubnood oo Galmudug ka imaan lahaa.

About The Author