Dhagayso: Muqtaar Roobow ”Muddo 3 sano ah ayaan u afduubanahay AMISOM”
23 Okt 2021 (Puntlandes) Sheekh Muqtaar Roobow Cali Abuu Mansuur ayaa markii ugu horeysay codkiisa la maqlay tan iyo dhamaadkii sanadkii 2018, wuxxuna waraysi siiyey idaacadda VAO.
Roobow ayaa wareysiga ku sheegay in muddo lix bil ah lagu hayay xarunta Nabadsugida ayna ilaalo ka ahaayeen ciidamada Waran, balse markii dambe la geeyay guri ay ilaalo ka ahaayeen ciidamo magaalooyin kala duwan laga keenay kuwasoo ku dagaalamay qolkii uu ku jirey oo askari uu ku dhintey.
Muqtaar Roobow Cali ayaa waxaa uu sheegay in aysan waxba iska bedelin fikirkiisa uuna doonayo in si nabad ah uu ugu tartamo siyaasada dalka.
“Nabad baan wax ku raadiyay waana ku raadin doonnaa haddii aan la I qasbin, hamigeyga siyaasadeed isma bedelin, wax badan waan aqriyay haddii ay qur’aan tahay haddii ay wax kale tahay, waxaana markasta diyaar u ahay in aan dadkeyga horumariyo” ayuu yiri Muqtaar Roobow.
Muqtaar Roobow oo xilal sare ka soo qabtay ururka Alshabaab ayaa markii dambe ka goostay isagoo isu dhiibay dowlada federalka waxana uu isu soo sharaxay xilka Madaxweynaha dowlad goboleedka Koofurgalbeed.
Dhagayso waraysiga VAO qaybiisa 1aad
Puntlandes.com